Obama oo ka hadlay weerarada internet-ka

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Burcad ayaa dhowr jeer u dhacday kumbutarada Mareykanka

Madaxweyne Obama ayaa soo bandhigay walaaca ah weerarada internetka ee dibadda uga imaanaya.

Hadalkaasi ayuu sheegay inuu socday kullan uu la lahaa xubne sare oo ka socday Shiinaha, kuwaas oo ku booqday aqalka cad ee Mareykanka.

Waxa uu Shiinaha ku booriyay inay qaado tallaabooyiin muhiim ah oo lagu dejinaayo xaaladda.

Kaddib wadahadallada, xoghayaha arrimaha dibadda John Kerry ayaa sheegay kooxaha kumbutarada weerara inay dhaawac gaarsiiyeen howlaha Mareykanka.

Waxa uuna ku baaqay in laba dal ay si wada jir ah uga shaqeeyaan sidii tallaabo sharci ah looga qaadi lahaa burcadda internetka.

Xukuumadda Washington ayaa horey u cambaareysay dalka Shiinaha oo ay sheegtay in weerarka uu uga yimaaday.

Waxayna ku sheegeen in siyaasad gardaro ah ay ka leeyihiin weerarada hannaanka kumbutarada Mareykanka.

Xukuumadda Beijing ayaa dhankeeda iska fogeysay dhammaan eedahaasi loo soo jeediyay.