Masjid ku yaal Kuwait oo laysku qarxiyay

Lahaanshaha sawirka AP

Qof ayaa isku qarxiyay masjid ay shiicadu leeyihiin oo ku yaal Kuwait.

Waxaa jira warar sheegaya in tiro dad ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay weerarkii ugu horeeyay ee noocan ah oo dalka ka dhaca.

Qaraxa ayaa lala beegsaday masjidka Imama Al-sadeq oo ku yaal magaalada Kuwait waqti ay socotay salaadii jimcaha.

Kooxda daacish ayaa sheegatay in mid ka mid ah xagjiriinteedu uu weerarka fuliyay. Weerarkan ayaa yimid kaddib markii mid isaga la mid ah lagu qaaday masjid ay Shiicadu leedahay oo ku yaal dalka Saudi Arabia.