30 ku dhimatay dagaal Leego ka dhacay

Lahaanshaha sawirka AP

Ugu yaraan 30 ruux ayaa la dilay kaddib markii dabley hubeysan ay weerareen fariisin ay ciidamada midowga Afrika ku leeyihiin deegaanka Leego.

Gaari xawaare ku socday oo walxaha qarxa ku xiran yihiin ayaa isku qarxiyay irridda saldhiga ciidamada Leego oo ku yaal wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Alshabaab ayaa sheegtay inay saldhigga qabsadeen balse Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamadoodu ay weli la dagaalamayaan kooxda xagjirka ah.

Alshabaab ayaa weeraradooda xoojiyay ilaa bilowgii bisha Ramadan.