EU oo u tacsiyeeysay Amisom

Madaxda howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa u tacsiyeeyay qoysaska ku waayay dadkii ay jeclaayeen, weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xarunta Amisom ee Leego.

Madaxda ayaa amaanay ciidamada Burundi, guutooyinka kale iyo kuwa ammaanka ee u huray noloshooda la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.

Midowga Yurub waxay sii wadi doonaan taageerada iyo horumarinta nabadda iyo deganaashaha Soomaaliya, wayna la shaqeyn doonaan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu mustaqbal wacan rajeeyo, isagoon ka baqeyn dagaal iyo xagjirnimo.

Midowaga Yurub, waxay u taagan yihiin taageerada dadka Soomaaliyeed si ay u gaaraan higsigooda.