Yurub oo Giriigga u diiday waqti kordhin

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wasiirada lacagta Yurub ee ku kulmayay Brussels ayaa diiday inay kordhiyaan barnaamijka lacagta lagu siinayo Giriigga.

Habeenimada talaada ayey ku egtahay waqtiga loo qabtay, markaasi oo IMF ka dooneyso Athens inay bixiyo 7 bilyan oo doolar.

Dowladda Giriigga ayaa weydiisatay kordhin u ogolaaneyso inay qabato afti todobaadka dambe, taasi oo ku saabsan heshiiska lacag siinta.

Shir jaraa'id oo goor dhaweyd dhacay ayuu guddoomiyaha kooxda Yurub, Jereon Dijsselbloem, sheegay in Yurub ay siisay Giriigga sanadihii dhawaa gargaar lacageed oo balaaran, ayna dowladdu mas'uul ka tahay inay ka soo baxdo.

Wasiirada ayaa wadahadaladooda dib u bilaabaya iyadoo madaxda Giriigga aysan joogin.

Dhinaca kale, wasiirka lacagta Giriigga, Yanis Varoufakis, ayaa sheegay in diidmada waqti kordhinta ee heshiiska hadda lacagta lagu siiyay Griiigga, ay dhaawaceyso waxgalka kooxda.