Kenyatta: Alshabaab quus ayey gaareen

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa dhaleeceeyay xagjiriinta bariga Afrika.

Wuxuu ka sheegay shirgobaleedka ammaanka ee Nairobi, in kooxda Alshabaab ay gaareen meel quus ah, oo weeraradooda aysan guul aheyn oo ay naflacaari yihiin.

Jimichii ayey Alshabaab weerareen saldhig ay ciidamada Amisom ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya. Ugu yaraan 50 ciidamada nabad ilaaliyayaasha Burundi ayaa la rumeysan yahay in lagu dilay weerarka.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay kula dagaalameen xagjiriinta sabtigii meel u dhaw magaalada koonfurta ee Dhoobley