Askarta Mali oo masjid ku hareereysan

Ciidamada dowladda Mali ayaa ku hareereysan masjid iyo xarun caafimaad oo ay dabley qabsadeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada, Suleymane Maige, ayaa BBC-da u sheegay in ragga hubeysan ay weerareen aroortii magaalada galbeedka ee Nara, iyagoo kaddibna xabadeyn ku galay dhismaha ay haatan gabaadka ka dhiganayaan. Lama oga waxyeelada nafeed.

Wariyaha BBC-da ee Bamako ayaa sheegaya, in kooxo kala duwan oo hubeysan ay ka fuliyeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah bartilmaameedyo militeri iyo raydi bilihii dhawaa.