Tunisia oo xiri doonta 80 masjid

Madaxda Tunisia ayaa sheegay inay xiri doonaan 80 masjid oo lagu eedeeyay inay fidno kicinayaan, kaddib weerarkii lagu qaaday goob dalxiiska loo tago oo lagu dilay 38 ruux oo badi Yurubiyan ah.

Ninkii hubeysnaa ayaa sidoo kale la dilay.

Ra'iisul wasaaraha Tunisia, Habib Essid, ayaa sheegay in masjidyada ku shaqeeya wax ka baxsan xukunka wadanka lagu xiri doono todobaadyo.

Daacish ayaa sheegatay inay weerarka ka dambeeyeen. Wariye BBC-da ka tirsan oo joogo Tunis ayaa sheegay, in dalxiisayaasha shisheeye ay dalka tiro badan uga baxayaan.

Dowladda ayaa u yeertay ciidamada keydka, waxayna kordhiyeen ammaanka goobaha dalxiiska.