Dalka Burundi oo dad lagu laayaay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ugu yaraan labo ruux ayaa lagu dilay dalka Burundi.

Dhacdadani waxa ay ku soo aaday maalin uu kahor marka ay qabsoomayso doorashada muranka dhalisay ee dalkaasi Burundi.

Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay in dadkaasi ay u geeriyoodeen bambaano iyo rasaas ay booliiska ku eedeeyeen.

Arrin tani waxa ay ka dhacday aaga ay mucaaradku ku xoog badan yihiin ee magaalada Bujunbura.

Sabtidii rag hubaysan ayaa gubay waraaqihii codbixinta iyo qalabkii kale ee doorashada oo yaalay xarun cod bixin oo ku taala waqooyiga bari ee dalkaasi.

Burundi waxaa saameeyay rabshado baahsan tan iyo markii madaxwaynaha dalkaasi Pierre Nkurunziza, uu ku dhawaaqay in uu doorashada ka qayb qaadanayo markii saddexaad.