Israa’iil oo qabsatay markab u socday Gaza

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Israa'iil ayaa go'doomin ku haysa Gaza

Ciidammada badda ee Israa’iil ayaa la wareegay markab isku dayay in uu gargaar bani’aadannimo gaarsiiyo marinka Gaza.

Ciidammada ayaa sheegay in dowladdooda ay ku amartay in la wareegaan markabka, oo rabay in uu jebiyo go’doominta dhanka badda ah ee Israa’iil ku hayso Gaza.

Markabka oo lagu magacaabo "Marianne of Gothenburg", ayaa loo kaxeeyay dekadda Ashdod ee ku taalla Israa’iil.

Waxaa markabka saaran dad u ololeeya xuquuqda aadanaha, ayna ka mid yihiin madaxweynihii hore ee Tunisia, Moncef Marzouki, iyo xubin ka tirsan baarlamaanka Israa’iil oo Carab ah.

Dhowr markab oo kale ayaa dib ugu laabtay xeebaha Yurub, kaddib markii ay ciidammada Israa’iil qabsadeen "Marianne of Gothenburg."

Maraakiibta ayaa qeyb ka ah olole Sweden laga bilaabay oo loogu magac daray "Ship to Gaza".