Gudiga Yurub oo dhaliilay Giriiga

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Suuqyada saamiyada Yurub iyo Aasiya oo laga dareemay saameynta xiisadda Giriiga.

Madaxweynaha gudiga Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa ku dhaliilay Giriiga qaabka uu maalmihii lasoo dhaafay u wajahay arrinta deynta lagu leeyahay.

Mr Juncker, oo saxaafadda kula hadlay magaalada Brussels, ayaa sheegay in xaaladda hadda taagan uu Giriiga waxbadan ku waayayo, isaga oo ku baaqay in la joogteeyo midnimada dalalka ku jira dallada Eurozone-ka.

Suuqyada saamiyada ee qaaraddaha Yurub iyo Aasiya ayaa laga dareemay hoos u dhaw weyn, kaddib markii uu dalka Giriiga mudo tododbaad ah xiray bangiyadiisa.

Talaabaddan ayaa ka dambeysay markii uu bangiga dhexe ee Yurub uu go'aansaday, in aanu sii wadin lacagaha degdega ah ee uu siiyo bangiyada Giriiga.

Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande, ayaa sheegay in uu suuragal yahay heshiis laga gaaro deymaha loo haysto Giriiga.

Dhanka dalka Shiinaha ayaa walaac ka muujiyay xiisadda dhaqaale ee haysata Giriiga, waxaana gabar u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalkaasi ay sheegtay, in Shiinaha uu rajeynayo in Giriiga uu ka sii mid ahaado Midowga Yurub.