Saraakiil Somaliland ugu dhimatay shil

Image caption Shilalka baabuurta ayaa ku badanaya Somaliland

Waxaa shil baabuur oo xalay ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ku geeriyooday saraakiil dowladda ka tirsan iyo weriye ka howgalayay telefishinka Horn Cable.

Dadka shilka ku dhintay ayaa kala ah Weli Xaaji Daauud Cigaal, oo ka mid ahaa agaasimayaasha wasaaradda maaliyada Somaliland, Maxamed Daud Yuusuf, madaxii sawir-qaadayaasha telefishinka Horn Cable, iyo Muse Cali Ducaale, oo ahaa madaxii ilaalada wasiirka maaliyada Somaliland.

Booliiska ayaa BBC u sheegay in saraakiishan shilka baabuur ku geeriyooday ay ka mid ahaayeen wafdi ka soo socday Dekedda Berbera oo ay hogaamineysay wasiirka wasaaradda maaliyadda somaliland Zamzam Cabdi Adam .

Shilalka baabuurta ayaa maalmahan dambe ku soo badanayay wadadaasi.