kumanaan ka cararay Burundi

Lahaanshaha sawirka

UNHCR ayaa sheegtay in ku dhawaad 10 kun oo Burundi ah ay ka carareen wadanka dhamaadkii todobaadka ka hor doorashada baarmanaanka ee maanta.

Waxaa la sheegayaa dadka qaar ee ka tagayay magaalada, in basaska qasab looga dajiyay, halka kuwa kalena ay saacado ku lugeeyeen duurka si ay uga dhuuntaan inay arkaan booliska iyo maleeshiyaadka.

QM ayaa sheegtay in tiro badan oo rag ah ay wadanka ka baxayaan iyagoo ka baqaya inaysan dhamaaneyn rabshadaha siyaasadda.

In ka badan 140 kun ayaa ka cararay wadanka ilaa markii ay rabshadaha qarxeen bishii April, markaasi oo uu madaxwyne Pierre Nkurunziza uu go'aansaday inuu mar saddexaad u tartamo xafiiska.