K/Suudaan oo gabdho nolol lagu gubay

Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in ciidamada Koonfurta Suudaan ay kufsadeen tiro gabdho ah kaddibna iyagoo nool ay guryahooda ku gubeen.

Warbixin cusub ayey howlgalka Qaramada Midoobay ee halkaasi ku sheegeen in gaboodfalka uu ka dhacay gobolka Nile-ka sare, halkaasi oo dagaal weyn uu ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo falaagada.

Dhacdooyinka halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ka mid ah, in haweenay lagu qasbay inay dab nool ay gacanta ku qabato, si loogu qasbo inay sheegto halka ay ku jiraan dagaalamayaasha falaagada.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedeysay falaagada askareyn caruur, kufsi iyo dil. Ilaa iyo haatan labada dhinac ayaan ka jawaabin eedaha.