Go'aanka maxkamadda racfaanka Afganistan

Koox u ololeysa xuquuqda dumarka Afganistan ayaa si caro leh uga jawaabay go'aanka maxkamadda racfaanka ay ku joojineysay afar nin oo loo haystay xukun dil ah, kuwaasi oo ku lug lahaa dil ay koox bishii March Kabul ugu geysteen gabar yar.

Qareenka qooyska gabadha la dilay ayaa walaac ka mujjiyay kulanka maxkamadda ee qarsoodiga ku dhacay, iyadoo walaalka gabadha uu ku tilmaamay go'aanka mid aan caadil aheyn.

Gabadha oo lagu magcaabi jiray Farkhunda ayaa lagu weeraray goob cibaado, markii si been ah loogu eedeeyay inay gubtay kitaabka qur'aanka. Dhagax ayaa lagu dilay iyadoo gaari la jiirsiiyay kaddibna la gubay.

Maxkamadda racfaanka ayaa sidoo kale dambi ku weysay ninkii ilaalinayay goobta barakeysan.