Militeriga oo gacanta ku haya Sinai

Lahaanshaha sawirka ap

Militeriga Masar ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu hayaan waqooyi bari Sinai, kaddib weerar weyn oo ay ku soo qaadeen kooxda Daacish.

Rag hubeysan oo ka tirsan Daacish ayaa is qarxiyay iyagoo bartilmaameedsaday tiro goobaha ammaanka, wuxuuna dagaal ba'an socday ilaa arbacadii oo dhan.

Ciidanka ayaa sheegay in 17 askari iyo in ka badan boqol xagjiriinta ah la dilay. Balse ilo kale ayaa sheegaya in tirada dhimshada ee ciidamada ammaanka ay intaasi ka badan tahay.

Wariyaha BBC-da ee Qaahira ayaa sheegaya in weerarka Daacish uu keenay su'aalo ku saabsan awoodda militeriga ay isaga celin karaan xagjiriinta.