Amiir Waleed oo sadaqeynaya 32 bilyan

Maalqabeenka reer Sacuudiga, Amiir Alwaleed Bin Talal, ayaa sheegay inuu sadaqeyn doono $32 biliyan ee uu haysto.

60 jirkan qoyska reer Al-Sacuud, oo ka mid ah dadka dunida ugu lacagta badan, ayaa 34 kaga jira liiska maalqabeenada.

Amiirka ayaa sheegay inay ku dhalisay arrintan ururka Gates, kaasi oo Bill iyo Melinda sameeyeen sanadkii 1997dii. Lacagta ayaaa lagu bixin doonaa in kor loogu qaado fahamka dhaqanka, awood siinta dumarka iyo gargaarka masiibooyinka.

Gates ayaa ammaanay go'aanka amiirka, wuxuuna ugu yeeray mid nagu dhiirogelinaya inaan gargaarka dunida ka wada shaqeyno.

Lacagta ayuu siin doonaa urur gargaar uu dhisay amiirka oo la yiraahdo Alwaleed, kaasi uu horayba u siiyay 3.5 bilyan oo doolar. Amiirka oo aan wax xil dowladeed hayn ayaa ah guddoomiyaha shirkad maalgelineed ee boqortooyda.

Amiirka ayaa sheegay inay qaadaneyso deeqdan dhowr sano, iyadoo ay la socon doonaan guddi uu isagu madax u yahay.