C/kariim oo doorashada Galmudug ku guuleystay

Codeyn saakay ka dhacday degmada Cadaado ayaa Cabdikariim Xuseen Guuleed loogu doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulka cusub ee Galmdug.

Codeynta oo dhowr wareeg aheyd ayaa ugu dambeyntii natiijada lagu dhawaaqay iyadoo uu helay Cabdikariim Xuseen Guuleed 49 cod halka Axmed Macalin Fiqi oo ahaa musharaxii kula tartamayay wareegii ugu dambeeyay uu helay 40 cod.

Codeynta tartanka madaxweyne ku xigeenka ayayaa xigi doonto.