Dadka Giriiga oo maanta afti u codeynaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah taageerayaasha MAYA ee aftida Giriiga

Kaddib olole socday ku dhawaad todobaad, ayaa dadka Giriiga saaka waxa ay u dareerayaan si ay codkooda uga dhiibtaan aftida, oo ah mid si dhow ay ula socdaan dhammaan dalalka Yurub.

Dowladda Giriiga ayaa sheegtay in haddii MAYA loo codeeyo, ay taasi u sahleyso ra'iisul wasaare Alexis Tsipras in uu Brussels ku laabto, si uu heshiis u cuntama ula gaaro kuwa deymaha ku leh.

Balse dadka kasoo horjeeda ayaa sheegaya in HAA oo loo codeeyo, ay tahay qaabka keliya ee uu Giriiga kaga sii mid ahaan karo dallada Eurozone-ka. Waxa ay ku doodayaan in dowladda haatan ee Giriiga ay waddo khatar ah ku hogaamineyso.

Ra'yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in codeyntu ay noqon doonto mid si aad ah isugu dhow, balse ilo ku dhow madaxtooyada Giriiga ayaa sheegay in ay u badan tahay in MAYA loo codeeyo.

Si kastaba, Giriiga ayaa doonaya in uu heshiis la galo Yurub qaab kasta oo ay aftida u dhacdaba, waana taasi fariinta uu doonayo in uu diro ra'iisal wasaaraha dalkaasi.