Wadahadalada Nukleerka Iran

Lahaanshaha sawirka Reuters

Wadaxaajoodayaasha caalamiga ayaa Iran kula galaya Vienna dhammaadka todobaadka wadahadalo muhiim ah, oo ujeedkeedu yahay in lagu gaaro heshiis buuxa oo ku saabsan barnaamijka Nukleerka Iran.

Wasiirka arrimaha dibadda, Javad Zarif, ayaa ku sheegay muuqaal la soo dhigay Youtube-ka, inaan heshiis lagu dhaweyn, balse uu ku baaqay in la joojiyo jajuubka iyo cadaadiska. Wuxuuna sheegay in heshiis uu furayo wadooyin cusub oo wax looga qaban karo dhibaatoyinka sida rabshadaha xagjirnimada.

Iyado uu sheegay sarkaal ka tirsan Mareykanka in IS ay tahay cadowga guud, ayaa hadana wadahadalada diirada lagu saarayaa qatarta ka imaaneysa howlaha nukleerka Iran.