Burundi oo diiday ergey UN magacowday

Lahaanshaha sawirka
Image caption Rabsashado ka dhacay Burundi

Dowladda Burundi ayaa diiday diblomaasigii labaad ee ay Qaramada Midoobay u magacowdo, si uu u xaliyo khilaafka siyaasadeed ee dalkaasi ka taagan.

Xisbiga haya talada dalkaasi ayaa sheegay in Abdoulaye Bathily, oo ay Qaramada Midoobay u magacowday Burundi bishii hore, aanu dhexdhexaad ka ahayn arrimaha dalkaasi.

Dhanka kale, madaxda dalalka ku jira Bulshada Bariga Afrika, ayaa maanta ku shiraya magaalada Dar es Salaam, ee dalka Tanzania.

Arrinta ugu weyn ee ay ka xaajoon doonaan ayaa ah xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka Burundi.

Todobaadkii lasoo dhaafay, dowladda Burundi ayaa qabatay doorashada baarlamaanka, in kasta oo urur goboleedka bulshada bariga Afrika iyo weliba Beesha Caalamka, ay soo jeediyeen in dib loo dhigo doorashadaasi.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in ay doorashada madaxtinimo ee Burundi ay dhacdo 15-ka bishan July.