FIFA oo Jarmalka iyo Faransiiska eedeysay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Blatter hadda waxaa ku socdo baaritaan

Madaxweynaha FIFA, Sepp Blatter, ayaa Faransiiska iyo Jarmalka ku eedeysay ay habsiyaasadeed u dalbadeen in lagu abaalmariyo inay marti geliyaan ciyaaraha kubadda cagta ee 2018ka iyo 2022ka, oo hadda ay kala qaateen Ruushka iyo Qadar.

Asigoo la hadlaayay wargeys Jarmalka ka soo baxo oo lagu magacaabo Welt am Sonntag, ayaa madaxa xiriirka kubadda cagta ee caalamka waxa uu madaxda labada dal ee Madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, iyo dhigiisa Jarmalka, Christian Wulff, ay isku deyeen inay farageliyaan wakiiladooda codka dhiibanaayay.

Mr Blatter, oo hadda ay baaritaan ku hayaan FBI-da Mareykanka ayaa loo haystaa Musuqmaasuq.

Waxa uuna tilmaamay in dhalleceynta uu ka soo qaado arrin uusan xakameyn karin.