Codeynta aftida Gariiga oo weli socota

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Dadka aftida codkooda ka dhiibanaya

Malaayiin qof oo reer Giriig ah ayaa maanta u codeynaya afti ku saabsan in la diidaayo ama la aqbalaayo qorshaha deen bixinta ee dalkaasi ay u soo jeediyeen Yurub.

Asigoo codkiisa dhiibanaya ra’iisul wasaaraha Giriiga, Alexis Tsipras, waxa uu sheegay inuusan jiran qof diidi kara rabitaanka shacabka.

Xibigiisa ayaa waxa ay dadka horey ugu baraarujiyeen inay diidaan qorshaha loosoo jeediyay ee uu ku tilmaamay inuu yahay mid lagu duleysanaayo Giriigga.

Wasiirka dhaqaalaha ee dalka Giriigga, Yanis Varoufakis, ayaa sheegay inay rajo wanaagsan u noqoneyso wixii ka soo baxa aftida socota.

Laakiin hogaamiyayaasha Yurub iyo mucaaradka Giriigga waxa ay ka digeen in loo codeeyo MAYA, taas oo ay tilmaameen inay keeno doonto natiijo uu Giriiga uga baxo dalalka isticmaalo lacagta Euro ga.

Waxaa la saadaalinaayaa in natiijada ay aad isugu dhowaan doonto.