Kulanka nukleyrka Iraan oo dib u furmaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Wasiirada arrimaha dibadda ee kawada hadlaya barnaamijka nukleyrka Iraan

Wasiirada arrimaha dibadda ee ka wadahadlaaya barnaamijka Nukleyrka Iran ayaa la filaayaa inay dib ugu noqdaan magaalada Vienna maanta si ay mar kale isugu deyaan in heshiis cusub la gaaro.

Wasiirada ayaa ka qeybgalaya wadahadallo aad u adag oo la doonayo in heshiis lagu gaaro illaa talaadada.

Dowladda Iraan iyo lixda dal ee kala hadlaaya barnaamijkeeda Nukleyrka ayaa waxa ay sheegayaan inaysan weligood sida hadda ay tahay isaga soo dhowaan, laakiin ay weli jiraan arrimo caqabad ah oo la xallindoono.

Waqtiyada kama dambeysta ayaa dhowr jeer lagu heshiin waayay, laakiin Iraan waxay aad ugu baahan tahay la soo afjaro cunna qabateynta reer galbeedka.

Dhankeedana wxaa laga doonaayaa inay xaqiijiso inay joojineyso iskudeygeeda ah inay bam Nukleyr ah sameysato.