Dad kubad ciyaarayay oo la duqeeyay

Lahaanshaha sawirka
Image caption Ramadi dhowaan ayey Daacish dagaal kula wareegtay

Wararka ka imaanaya magaalada Ramadi ee dalka Ciraaq waxay sheegayaan in 25 qof oo rayid ah ay dhinteen kuwa kaloo bandanna ay dhaawacmeen kaddib duqeyn ay dowladda halkaai ka geystay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegayaan in dadka dhintay ay ahaayeen kuwa isugu tagay kroon gubad lagu ciyaarayay habeenkii sabtida.

Ciyaarta ayaa waxa ay ahayd mid dhaqameed oo xilliyada ramadaanka la ciyaaro.

Mintidiinta Daacish ayaa magaalada Ramadi waxa ay qabsadeen bishii May ee sanadkan.

Dowladda ayaa sheegtay inay dib ula wareegi doonto magaaladaasi, maalinkastaa ayaana la duqeeyaa.