Duqeyn loo geystay xarunta daacish ee Raqa

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Raqa waa meesha isku xirta dhaqdhaqaaqa daacish ee Suuriya iyo Ciraaq

Ugu yaraan 20 dagaal yahan oo ka tirsan ururka Daacish ayaa lagu dilay duqeyn ay Mareykanka ka fuliyeen magaalada raqa ee dalka Suuriya.

Sidoo kale lix qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay duqeynta, dadkaasi waxay ku dhinteen iskuul la duqeeyay.

Isbeheysiga uu Mareykanka hogaaminaayo ayaa sii wada duqeynaha ay magaaladaasi ka fulinayaan.

Afhayeen u hadlay Mareykanka waxa uu sheegay in 16 jeer la duqeeyay xarumo ay Daacish kaga sugan yihiin Suuriya.

Waxa uu sheegay in ujeedada ay ahayd in Daacish laga joojiyo in magaalada Raqa ay u adeegsadaan sida xarun ay ka dhaqaaqaan dagaal yahaniintooda Suuriya iyo Ciraaq.

Kooxda la socodka arrimaha xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in diyaarad nooca duuliye la’aanta ah oo Mareykanka laga leeyahay ay duqeysay iskuul ku yaalla Raqa, ayna ku dhinteen shan qof oo rayid ah, cunug yarna uu ka mid yahay iyo hal qof oo u dagaalamayay Daacish.