Burundi: Doorashada dib ha loo dhigo

Image caption Xarun codbixin

Hoggaamiyayaasha Bariga Afrika ee ku kulmayay dalka Tanzania ayaa waxa ay dalbadeen in doorashada dalka Burundi dib loogu dhigo dabyaaqada bisha July ee sanadkan.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa loo xushay in uu dhexdhexaadiyo ka noqdo dhibaatada ka taagan dalka Burundi, ka hor inta aan la qaban doorasho cusub.

Doorashada madaxweyne ee dalkaasi ayaa la qorsheeyay in la qabto 15-ka bisha july sanadka 2015-ka.

Hoggaamiyayaasha ku kulmaya caasimada Tanzania, ee Dar-es-Salaam ayaa arkayay dhibaatooyinka uu dalka Burundi wajahay oo ahaa isbuucyo ay ka jireen xaalad daganaan la’aana ah, xilligii ay socdeen codbixinta baarlamaanka, oo ay beesha caalamka ku tilmaameen in aysan aheyn mid xor iyo xalaal ah.

Qalalaasihii dhawaa ee dhawaan dhacay ayaa lagu dilay toddoba qof oo uu ku jiro nin askari ah.

Waxaana la sheegay in aan doorasha aan la qaban karin iyada oo ay dhibaatadaan taagan tahay.

Kullankan ayaa loo magacaabay in madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, uu dhexdhexaadiyo dhibaatada ka aloosan dalkaasi, kahor inta aan lagu dhawaaqin doorasho cusub.

Tan iyo markii madaxweyne Pierre Nkurunziza, uu ku dhawaaqay in mar sedexaad uu isu soo sharaxayo jagada madaxweyne, ayaa dalkaasi waxaa ka dhacay dibadbaxyo rabshado wato, kaas oo mucaaradka iyo bulshada rayidka ay sheegeen in uu ahaa mid dastuurka dalkaasi aan waafaqsanayn.