Midowga suxufiyiinta Masar: Xoriyatul qowlka waa la yareynayaa

Image caption Weriyayaasha Masar

Midowga suxifiyiinta dalka Masar ayaa waxa ay ka digeen in sharciga cusub ee la dagaalanka argagaxisada uu sii yareyn doono xorriyatul qowlka.

Sharcigan ayaa ka xaaraantinimeynaya weriyayaasha in ay ka soo warramaan wararka khilaafaya bayaannada ay dowladda soo saarto ee ku saabsan markii ay isku dhacaan iyaga iyo maleeshiyaadka ka soo horjeedo.

Isbuucii la soo dhaafay waxaa dhacay laba weerar oo waaweyn oo maleeshiyaadku ay ku qaadeen bartilmaameedyo dowladda ay leedahay.

Dacwad oogaha dowladda ayaa lagu dilay magaalada Qaahira, waxaana ku xigay weerarro ay kooxo jihaad-doon ah oo ku xiran ururka Khilaafada Islaamka ay ku qaadeen ciidammada ammaanka ee woqooyiga Siinay laba maalmood kaddib.

Wararka ayaa sheegaya in xooggaga ammaanka ay dhibaato ba'an soo gaartay, lagana dilay ilaa 60 ciidamadooda ah.

Balse tirada rasmiga ah ee dowladda soo saartay intaas aad ayay uga yar tahay.

Sharciga cusub ayay wasiiradu ansixiyeen maalinta uu weerarka dhacay, laakiin weli waxaa loo baahan yahay in madaxweynaha uu saxiixo.

Haddii uu sharcigan horay u jiri lahaa, weriyayaasha ka soo waramaya tirada askarta dhimatay ee ka geddisan inta ay dowladdu sheegtay waxa ay wajihi lahaayeen laba sono oo xabsi ah.