14 ku dhimatay Weerar ka dhacay Mandheera

Image caption Ciidammada ammaanka Kenya oo howlgal sameynaya

Wararka aan ka heleyno degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in 14 qof lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe kaddib lagu qaaday guri ay degan yihiin dad aan Soomaali ahayn.

Dadka la beegsaday ayaa lagu soo warramayaa in ay yihiin kuwa dhagaxa ka jebiya dibedda magaalada. Kooxda Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyada weerarka. xarakada Shabaab ayaa horay weerarro noocan ah uga fulisay Mandheera.