Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muslimiin & Yuhuud meel ku wada afuray

Jaaliyad Soomaaliyeed ayaa waqooyiga magaalada London, waxa ay saladda tariiwiixda ku tukadaan (synagogue) Macbadka Yuhuuda, kaddib markii la gubay sanadkii 2013kii xaruntoodii oo ilaa markaa aysan haysan meel ay isugu yimaadaan.

Xalay ayey u sameeyeen jaaliyaddaas oo ah Soomaali Baraawe afur ay ku martiqaadeen dadka aamisan diimaha kale iyo madax ka tirsan magaalada London

Abuubakar Maxamed Cali waa guddoomiyaha gaaliyadda Somali Barawe, wuxuuna uga warramay, Cusman Cabdi Xasan, sida ay ku timid inay Synagogue ku tukadaan iyo waxa ku kalifay.