Eu oo Giriigga ka dooneysa qorshooyin

Lahaanshaha sawirka Getty

Ra'iisul wasaaraha Faransiiska, Manuel Valls, ayaa sheegay in dalkiisu uu u sameynayo wax kasta si Giriigga uu uga sii mid ahaado Midowga Yurub, sababtoo ah Yurub ma qaadan karto qatarta ka imaaneysa in Giriiggu uu ka baxo.

Mr. Valls oo la hadlayay Radio Faransiis ah ayaa sheegay inuu aamisan yahay, in waxyaabaha asaaska u ah heshiis ku saabsan in la xaliyo deymaha Giriigga uu jiro.

Madaxweynaha golaha Yurub, Jean-Claude Juncker, oo isna aamisan jiritaanka waxyaabaha asaaska u ah heshiis, ayaa ku doodaya inay tahay in Giriiggu uu la yimaado qorshooyin maanta shirka deg degga ee hogaamiyayaasha Yurub.

Shirka ayaa lagu dhawaaqay kaddib markii ra'iisul wasaaraha Giriigga, Alexis Tsipras, uu ku guuleystay aftida qaran ee lagu diidayay qorshihii ugu dambeeyay ee lacagsiinta oo ay ku yabooheen kuwa deymaha siiya dalka.