WHO oo la dhaliilay jawaabaheeda

Warbixin ku saabsan caabuqa Ebola ee galbeedka Afrika ayaa lagu soo koobay, in hay'adda WHO aysan laheyn awoodda iyo qaabka ay wax uga qabaneyso xaaladaha caafimaadka ee dunida ee deg degga.

In ka badan 11kun oo ruux ayaa ilaa hadda u dhintay Ebola oo badi ay ka dhaceen dalalka Guinea, Sierra Leone iyo Liberia.

Warbixintan madaxabanaan, oo ay horkaceysay madaxii hore ee Oxfam Barbara Stocking, ayaa lagu ogaaday in jawaabta WHO ay horistaageen, lacag la'aan iyo xiriir xumo kala dhexeysay hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay.

WHO oo taa ka jawaabeysay ayaa sheegtay, in howlaheda deg degga ee mustaqbalka si wanaagsan laysugu xiri doono.