Giriigga oo gudbinaya dalab rasmi ah

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ra'iisul wasaaraha Giriiga oo la hadlay baarlamaanka Yurub

Dowladda Giriiga ayaa gudbisay dalab seddax sano ah ee dalkaasi looga badbaadinaayo dhibaatada dhaqaalaha Eurozone k aka haysata, kaas oo ah farsamada xasillinta dhaqaalaha Yurub.

Codsigan waa kii ugu horeeyay ee ay qaado xukuumada Athens eek u saabsan deenta lagu leeyahay, kaas oo la doonaayo in la dhammeeyo illaa Axada.

Ra’iisul wasaare Alexis Tsipras ayaa sheegay in dowladda Giriiga ay Eurozone ka u gudbin doonto qorshe ay isbedelo ku sameysay illaa maalinta Khamiista.

Mr Tsipras ayaa saaka uu la hadlay barlamaanka Midowga Yurub, wuxuuna u sheegay in codbixiyayaasha Gariiga ay u istaageen inay wajahaan ololaha argagaxgelinta warbaahinta.

Madaxweynaha gudiga midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, waxa ay ka digtay in la diyaariyay qorshe aan macquul ahayn oo Giriiga uu Yurub kaga baxaayo.