Maxkamad dil daldalaad ah ku xukuntay 24 qof

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Maydad ayaa laga soo saaray Tikrit, waxayna u badnaayeen dadkii ay dileen Daacish

Maxkamad ku taalla dalka Ciraaq ayaa dil daldalaad ah ku xukuntay 24 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxo jihaaddoon ah oo xasuuqay askar Shiica u badneyd.

Dagaal yahaniinta daacish ayaa waxa ay dileen boqollaal askeri oo ku sugnaa xerada ciimada ee Speicher, taas oo ku dhow magaalada Tikrit, bishii June ee sanadkii la soo dhaafay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay illaa 1700 oo qof.

Daacish ayaa fiidiyow ka duubtay markii ay dilayeen askartaasi, waxaa kaloo ay ka qaadeen sawiro.

Tani iyo markii ciidamada Ciraaq ay dib u qabsadeen magaalada Tikrit, horraantii sanadkan, boqollaal maydad ah ayaa laga soo saaray xabaal wadareedyo.