Dadka u ololeeya gabdhaha la afduubay oo Buhari la kulmaya

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ololahan ayaa xilli hore soo bilowday

Dadka u ololeynaaya in la siidaayo gabdhaha Iskuuleyda ahaa ee la afduubtay, ayaa maanta waxa isugu tageen magaalada Abuja, ayagoo u socda inay la kulmaan madaxweyne Maxamadu Buhari.

Waxa uu noqonayaa markii ugu horeysay oo ololeeyayaashan iyo madaxweynaha cusub ay kulmaan.

Waxa ay madaxweynaha ka doonayaan inuu wixii uu awoodo sameeyo si gabdhahaasi looga soo badbaadiyo kooxda Boko Xaram, oo ay afduubteen sanad ka hor.

Boko Xaram ayaa waxa ay sare u qaaday weeraradeeda dhowaanahan, waxayna isbuucii la soo dhaafay oo keli ah lagu eedeeyay inay dileen 220 qof.