Manchester United oo iibsaneysa Matteo Darmian

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Matteo Darmian waa ciyaaryahan da'yar oo 2014kii ku soo biiray ciyaaraha caalamiga ah

Kooxda Manchester United ayaa rajeyneysa inay heshiis la galaan difaaca kooxda Torino, Matteo Darmian inta ay ku guda jiraan safarkooda Mareykanka ayeyna doonayaan inuu ka mid noqdo.

Kooxdan Man U ma aysan qiranin wararka ka imaanaya Taliyaaniga ee sheegaya £12.9 milyan oo pound, ay ciyaaryahankan kula soo wareegayaan. Laakiin wadahadallada horey uma sii socdaan.

Darmian, oo 25 sano jir ka ah, waxa uu ka ciyaari karaan dhammaan difaaca, wuxuuna ciyaaraha ku soo biiray xilligii koobka adduunka ee Barazil lagu qabtay.

Kooxda Manchester United ayaa la filayaa in maalinta isniinta ay aadaan Seattle.

Illaa iyo hadda,, tababaraha Manchester United, Louis Van Gaal, waxa uu saxiixay hal heshiis oo keli ah, asigoo £31 milyan ku soo iibsaday Memphis Depay, kaas oo la qorsheynaaya in Jimcaha la horkeeno warbaahinta.

Laakiin waxaysan weli fari ka qodneyn xal ka gaarista kala wareegsashada muhiimka ah ee ay Real Madrid la gaari lahaayeen oo ay doonayeen inay isku dhaafsadaan difaaca Madrid, Sergio Ramos iyo goolhayaha United David De Gea.