Tunisiya oo derbi ku dhiseysa xadka Libiya

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Booliska Tunisiya oo ku sugan xeebta dalxiisayaasha lagu weeraray

Tunisiya waxa ay ku dhawaaqday qorshayaal ay dooneyso inay derrbi dheer ay uga dhisto xuduuda ay Libya la wadaagto si ay isaga ilaaliyo halista waxa ay ugu yeertay argagixisada.

Ra’iisul wasaaraha Tunisiya Habib Essid ayaa sheegay inay ay wax gaar ah oo diiradda lasaaro ay jiri doonaan si loo adkeeyo xuduudda dhererkeedu gaarayo, 160KM.

Waxa uu arrintan ugu dhawaaqay si uu u sharaxo qaabka ay dowladiisa ula dagaallameyso argagixisada, taas oo ka dhalatay dilka 38 qof oo dalxiisayaal ahaa, kuwaas oo nin hubeysan uu ku laayayay xeebta Sousse bishii hore.