Mamnuuc lagu soo rogay saraakiishii hore ee FIFA

Lahaanshaha sawirka Reuters

Ururka FIFA ayaa mamnuuc abid ah ku soo rogay saraakiishii hore ee ka tirsanaa ururkaasi ee khirtay in ay qaateen laaluush.

Guddiga FIFA ee anshaxa ayuu u sheegay Chuck Blazer, in saraakiishaasi aysan ka qeybgeli doonin wax walba oo la xiriira kubad.

Mr Blazer ayaa u sheegay FBI in isaga iyo masuuliyiinta kale ee guddiga anshaxa ay qaateen laaluush la xiriira markii dalka Koonfur Afrika loo doortay in uu marti geliyo ciyaaraha kubada cagta aduunka sanadkii 2010.

Waxa uu qirtay toban eedeyn oo la xiriirta fowdo, lacago si sharci dara ah la isku weeydaarsaday iyo cansuuro la la dhuuntay.

Bishii aynu soo dhaafnay ayaa Mr Blazer oo wakiil u ahaa, isku xirka kubada cagta ee waqooyiga iyo bartamaha Amerika ayaa qirtay eedo, taas uu gorgortan kula galay in badalkeeda uu soo gudbinayo cadeymaha musuq maasuqa ee FIFA si uu uga badbaado 70 sano oo xarig ah.