Dibadbaxyo ka dhacay Ghana

Lahaanshaha sawirka EPA

Dalka Ghana ayaa boqolaal qof oo ka shaqeeya magaalada warshadaha ay ku yaalaan ee Tema, waxa ay ka dhigeen dibadbax ay uga soo horjeedaan sicirka maciishada oo sare u kacay, hoos u dhaca lacagta, koronta l’aanta iyo sida qaldan ee loo maareeyay dhaqaalaha dalkaasi.

Maamulka Madaxweyne Mahama ayaa sedexdii sano ee u dambeeyay waxaa soo wajahay dibadbaxyo tira badan oo ku saabsan arrimahan oo soo noqnoqday.

Dibad baxa ayaa iska noqday mid dhaqan ah arrimaha la dhaliilayna waa kuwo isku mid ah.

Qiimaha waxyaabaha daruuriga ah ee Ghana ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay muddo labaatan sano.

Waxaa sidoo kale cirka isku shareeray qiimaha cuntada, gaadiidka iyo biilasha korontada.

Lahaanshaha sawirka AFP

Shidaalka ayaa qiimahiisa sare uu u kacay laba jeer bishan gudaheeda, kaddib markii dowladda ay jartay kaalmadii dhaqaale ay bixin jirtay.

Dhanka kale lacagta Ghana ayaa hoos uga dhacday lacagaha qalaad, iyadoo xilligan uu dalkaasi ka helayo lacago hay’adda IMF.

Maanta boqoolaal dibadbaxayaal ah oo xiran funaanado gaduudan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Tema.

Badankood waxa ay lulayeen calamo ay ku qoran yihiin waxay ku sheegeen qaabka wanaagsaneyn ee loo maareeyay dhaqaalaha iyo madaxweynaha oo ay ugu baaqayaan in uu arrintaasi u kuurgalo.

Mid ka mid ah calamada waxa ku qornaa hadii saboolka ay waayaan cunto, waxa ay cunto ka dhiganayaan siyaasiyiinta.

Dowladda ayaa marar badan ku celcelisay oo u sheegtay shaqaalaha in dhibaatooyinkan ay yihiin ku jiraya muddo gaaban ayna mar dhow dhamaan doonaan.