Khashka imtixaanaadka India

Lahaanshaha sawirka DIPANKAR

Maxakamad Sare oo dala India, ku taala ayaa amar ku bixisay in baartaan lagu sameeyo musuqmaasuq xaga imitixaanadka ah, oo dad ay ku dhinteen.

Maxakamada sare ayaa ka codsatay hay’adda baarista ee CBI ee iindiya in ay baaritaan ku sameeyaan bal waxa ka jira in boqolaal araday ah oo rabay jaamacada dhakhtrnimda ay koox maafiya ah siiyeen lacag si imtixaanka looga caawiyo oo ay u qishaan .

Danbiyadan ayaa ka dhacay gobolka bartamaha Indiya ku yaal ee Madhya Pradhesh, ugu yaraan labakun oo qof ayaa hadda xabsiga loo taxaabay iyadoo 30 qof oo arrintan ku lug lahaa oo dhintayna la baarayo.