Israa'iil: Xamaas labo ruux ayay naga haystaan

Gaza Lahaanshaha sawirka
Image caption Sanad ayaa haatan laga soo wareegay qalalaasihii u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas.

Wasaaradda difaaca ee Israa'iil ayaa sheegtay in labo ka mid ah muwaadiniinteeda lagu haysto marinka Qaza.

Wararka waxay sheegayaan in Babra Mengistu oo asal ahaan ka soo jeeda Itoobiya la waayay kaddib markii uu si sharci darro ah ugu gudbay Qaza.

Waxaa uu gudbay maalmo kaddib markii ay dhamaatay duqeyntii Israa'iil ee Qaza.

Xamaas kama hadal in iyadu ay hayaan dadkaasi la la'yahay iyo in kale.

Israa'iil weli ma sheegin magaca qofka kale ee Qaza lagu haysto ee loo maleynayo inuu ka soo jeedo qowmiyadaha laga tirada badan yahay.