Daraasad ayaa lagu sameeyay maxbuus ku jira xabsiyada Soomaaliya.

Lahaanshaha sawirka AP

Daraasad ayaa lagu sameeyay 66 maxbuus oo ku jira xabsiyada Soomaaliya.

Daraasadda oo aan rasmi aheyn ayaa waxaa wada jir u sameeyay ururka Oceans Beyond Piracy iyo xafiiska QM ee daroogada iyo dambiyda, waxaana diiradda lagu saarayay sida ay u arkaan burcadbadeednimada iyo sida looga weecin karo.

Daraasaddan ay sameeyeen QM iyo Hay'adda Oceans Beyond Piracy, waxaa laga sameeyay xabsiyada ay ku jiraan maxaabiista burcad badeeda.

Xabsiyadaas waxaa ka mid ah xabsiga Hargeysa, Xabsiga Boosaaso iyo Xabsiga Montagne Psee ee ku yaal dalka Seychelles.

Waxa ay ujeedada daraasadda ay ahayd bal sidii loo ogaan lahaa aragtida maxaabiista iyo waxa ku qaaday burcad badeednimada iyo qaabka looga hortagi karo.

Xaaladda liidata ee dhaqaale xumo ayaa lagu soo warramay inay yihiin sababaha ugu waaweyn ee ah in burcad badeednimo la galo.

Maxaabiista oo la wareystay ayaa sheegay in saameyn ay ku yeelatay xabsiga la dhigay, iyaga oo sheegay haddii ay xabsiga ka baxaan inay ka fogaan doonaan in mustaqbalka mar kale la xiro.

Ciidamada caalamiga ah ee xeebaha Soomaaliya ayaa loo arkaa inay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee ka hortagga burcadda.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in maraakiibta ilaalada hubeysan wata ayaa iyaguna door ka ciyaaraan la dagaalanka burcad badeeda.

Tiro badan oo maxaabiista ah ayaa diiday in loo isticmaalo erayga burcad, iyaga oo sheegay inay yihiin kalluumeysato aan wax dembi ah ku lahayn burcad badeednimo.

Burcad badeedda taqaan qaar mar hore ka tagay burcad badeednimada waxay sheegeen in sababta u weyn ay tahay cadaadis qoyska ama bulshada ugu yimid, inay ku riixan ka mid noqoshada ficiladan oo kale.

Sheekada ku saabsan Kalluumeysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya ayaa wali ah arrinta ku qaadda burcad badeednimada.