Xisbiyada Turkiga oo wadahadli doona

Lahaanshaha sawirka Getty

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ka codsaday sii hayaha Jagada Ra'iisul wasaaraha inuu la galo wada xaajood xisbiyada mucaaridka si loo bilaabo dhisida dawlad wadaag ah oo Turkigu yeesho.

Xisbiyada siyaasada ayaa haysta 45 maalin inay ku gaaraan heshiis, haddii kale waxaa la galayaa doorasho, weriyayaasha ayaa sheegaya in xaalku ku adagyahay Ra’iisul wasaare Axmet Davutoglu, sababtoo ah sedexda xisbi mucaarid midna muusan muujin inuu rabo in uu la galo xisbiga muxaafidka ah wax wadaag.