Xabad joojin ka dhaqan galayso Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in xabad joojin bani aadanimo ay Jimcaha beri ah ka bilaabanayso dalka Yemen.

Waxa ay sheegeen ina xabadjoojintan ay socon doonto, ilaa laga gaarayo ciid-ul fidriga oo ku beegan 17 bishan July.

Dhawaaqan ayaa ka dambeeyay kaddib markii Qaramada Midoobay wadahadalo adag ay la galeen dowladda dibad jooga ah ee Yemen iyo kooxda Xuutiyiinta.

Dalka Yemen shacabka ayaa aad ugu baahan gargaar degdeg ah .