Kiisas cusub oo ah cudurka Ebola

Hirar cusub oo cudurka Ebola ah ayaa laga helay todobaadkii hore meel ka baxsan caasimadda, ilaa hadda lama hayo halka uu ka soo askumay.

Bukaanada ugu dambeeyay, ayaa ah wiil iyo gabar ka yimid Nedowein, waana halka markii hore laga soo sheegay kiiskan cusub.

Warkan ma aha mid ay la yaabeenn maamulka dalkaasi.

Dhowr qof, ayaa horayba loo karantiilay kaddib markii lagu arkay calaamado muujinaya cudurka Ebola.

Inta badan dadka waxa ay xiriir la yeesheen wiil jira 17-sanno oo dhintay.

Dad kale oo badan ayaa la karantiilay, kooxda gurmadka ayaa baadigoob ugu jira kiisas cusub oo caabuqan ah.

Kooxaha gurmadka ayaa ku kalsoon in ay haystaan waxa loo baahan yahay in lagu koontaroolo cudurka oo looga hortago in uusan ku faafin qaybaha kale ee dalka.

Balse halka uu ka yimid kiiskan cusub lama oga.

Xukuumadda ayaa baaraysa in Eey dhintay uu sababsaday cudurka iyo in kale.

Dhinaca kale, dhamaan afarta bukaanka ah ayaa lagu dawaynayaa magaalada Monrovia.

Liberia, Sierra Leone iyo Guinea ayaa ku soo waramaya in ay arkeen todobaadkii hore sodon kiis oo cusub oo cudurka Ebola ah.