Mo Faarax oo ku guulaystay orodka 5,000 Mitir ee Lausanne

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Mo Farah

32 jirkan haysta labada biladood ee dahabka ah ee Oliimbigga ayaa ku orday 13:11:77. Orodkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee uu Mo Faarax ordo muddo lix todobaad ah tan iyo markii ay soo baxeen warar sheegaya in tababarihiisa Alberto Salazar uu ku xadgudbay xeerar ka yaalla isticmaalka dawooyinka mamnuuca ah.

'waa sidaas sida loogu jawaabo dadka qaarkood ee tababarahayga dhaleeceynaya' ayuu Yiri. Waxaa aad ula tartamay 17ka jirka Itoobiyaanka ah ee Yomif Kejelcha oo ku orday 12:58:39.

Mo Faarax wuxuu ciyaaryahankaas ka horreeyey 300 oo mitir, wuxuuna sii dabaaldegay isagoo aan xarriiqda ka gudbin.