Qarax ka dhacay magaalada Qaahira

Lahaanshaha sawirka

Hal qof ayaa ku dhintay, dhawr qofna waa ay ku dhaawacmeen qarax weyn oo ka dhacay bannaanka hore ee qunsuliyadda Talyaaniga ee magaalada Qaahira.

Saraakiisha ammaanka ee dalka Masar waxay sheegeen in qaraxu sababay baabuur bam lagu xiray, kaasi oo khasaaro weyn u geystay banaanka hore ee dhismaha.

Dowladda Talyaanigu waxay sheegtay in aanay oggolaan doonin in loogu cagajugleeyo weerarka.

Dadka dhaawaca ah ayaa waxa ku jira booliis ilaalo ka hayay goobta.

Ciidamada ammaanka ayaa waxaa si joogto ah u weerarrayay kooxo hubeysan tan iyo markii la afganbiyay Madaxweynihii Islaamiga ahaa Maxamed Morsi, sanadkii 2013.