Safarada Tunisia oo laga digay

Lahaanshaha sawirka European Photopress Agency

Kumanaan kii qof ee u horeeyay ee British ah oo dalxiis u joogay Tunisia ayaa dib ugu laabtay dalkooda.

Kaddib markii laga digay in ay aad macquul u tahay in uu dhaco weerar kale oo argagixiso.

Soddon qof oo reer Britain ah ayaa lagu dilay xeeb u dhaw Sousse bishii hore, haddana wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain waxa ay dadkeeda ugu baaqaysaa in ay ka baxaan dalka Tunisia.

Baaqaas waxa uu dhaliyay dhaleecay ka timid dalxiiseyaasha iyo dawladda Tunisia oo sheegtay in ay samaysay waxkaste oo ay awooday si dadka loo badbaadiyo.

Laakiin xoghayaha arrimaha dibadda ee Britain waxa uu sheegay in ay halis wayntahay in aan talaabo la qaadin.

Philip Hammond waxa uu sheegay in Britain ay rajaynayso mustaqbalka dhaw in ay ka laabato talooyinkeeda socdaalka Tunisia.

Ireland oo ay ka yimaadeen saddex ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay dhibaatada ka dhacday Tunisia ayaa sidoo kale ka digay in loo socdaalo dalkaasi, dadkeena waxa ay ugu baaqday in ay ka baaqsadaan safarada aan muhiimka ahayn oo dhan.