Xabbad joojinta Yemen oo laga dayrinayo

Waxaa jira warar sheegaya in dalka Yemen uu ka dhacay dagaal cusub, saacado uun kaddib markii ay dhaqan gashay xabbad joojin lix maalmood ah.

Warar aan la xaqiijinin ayaa tilmaamaya in xulafada ay Sacuudigu hogaaminayaan in ay weeraro xaga cirka ah ku qaadeen Sanca iyo magaalada koonfur galbeed ku taala ee Tacis.

Halkaas oo saraakiil ay sidoo kale sheegeen in ay ka dhaceen dagaalo hor leh.

Goor sii horaysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in dhinacyadu ay ilaaliyaan xabbad joojinta.

Hay'addaha gargaarka ayaa rajaynaya in ay dadka gaarsiiyaan kaalmo aad loogu baahanyahay kaddib markii halkaasi ka jireen dagaalo bilo socday.

Dagaaladaasi waxa ay u dhaxeeyaan xulafo uu Sacudigu hogaaminayo iyo jabhadda Xuutiyiinta ah.