Daroogiiste xabsi ka baxsaday oo hog adeegsaday

Lahaanshaha sawirka AP

Nin caan ku ahaa ka ganacsiga daroogada dalka Mexico ayaa ka baxsaday xabsi ammaankiisa aad loo sugo.

Waxaa la rumaysanyahay in uu ku baxsaday wado dhulka hoostiisa laga soo qoday oo hal kiiloo mitir ka badan.

Madaxwaynaha Mexico Enrique Pena Nieto ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in laamaha ammaanku ay dib u soo qabandoonaan ninkasi oo ka mid ah raga ugu awoodda badan ee daroogada ka shaqaysta.

Madaxwaynuhu waxa uu sheegay in uu doonayo in la sameeyo baadhitaan buuxa oo ku saabsan sida uu u baxsaday Joaquin Guzman.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mexsico ksiko Arely Gomez ayaa sheegay in laamaha ammaanku ay Su'aalo waydiinayaan 18 ka mid waardiyeyaashii xabsigaasi.